Sint Franciscus Gasthuis Rotterdam

Ku soo dhawow Sint Franciscus Gasthuis

Waxaan u aragnaa inay aad u muhiim tahay inaad fahantid warbixinta ka imaanaysa Sint Franciscus Gasthuis Isbitaalkaan warbixinta oo dhani waxay ku baxdaa af Holandiis. Luuqada Holandiisku ma kugu adagtahay? So kaxayso markaas oo kale qof kuu turjuma luuqada. Sido kale noo sheeg haddii wax aad fahmi waydid jiraan.

Is diiwaan galin

  • Iska qor xafiiska isdiiwaan galinta ee xafiiska soo dhawaynta
  • Waaxaad tusta sharcigaaga iyo sharciga caafimaadka.
  • Maclumaadkaaga (sida magacaaga,adreskaaga iyo dhakhtarkaaga guriga) kombiyuutarka ayaa la galin doona.
  • Sido kale masawir wajiga ah ayaan kaa qaadi doona.

Ballanta dhakhtarka

  • Iska soo qor qofka fadhiya xafiiska hore.
  • Keen warqadda  warqada uu ku soo siiyey dhakhtarkaagu (taasi waa haddi markii ugu horeysay aad u timid dhakhtarka).
  • Sido kale sheeg haddii labadii sano ee ugu dambeeyey tagtay dhakhtar dibadda ah.
  • Noo sheeg haddii aad qabatid  hawl xoolaha la xiriirta ha ahaato si toos ah ama si  aan toos aheyn.

Wakhtiyada booqashada

Aqtiyada booqashada waad imaan kartaa: maalinkaste 15.30 illa 16.30, 18.30 illa 20.00 Sabtiga iyo axadda waxaa la imaan karaa 11.00 illa 12.00. Waxaad kaa codsanayna inaad arimahan hoos ku qoran ilaalisid:

  • Ugu badnaan laba qof ayaa soo booqan karaan qofka xanuusanaya.
  • Dhibaato ha u gaysanin dadka kale ee xanuusanaya.
  • Neeriska iyo dadka kale ee caafimaadka qaabilsan marwalba way joogaan.
  • Geedaha lama ogala isbitaalka dhexdiisa taas oo laga baqayo xanuuno, laakin ubaxa waa la ogalyahay.
  • Qaybaha qaarkood ee isbitaalka waa la ogolyahay booqasho ziyaado ah.
Print deze pagina Print deze pagina
 

Cookiemelding

Deze website van Franciscus Gasthuis & Vlietland maakt gebruik van cookies. Lees meer hierover in onze disclaimer

Ik sta de cookies toe Nee, liever geen cookies